Ku Naso Adduunka aan Nasasho lahayn

Ku Naso Adduunka aan Nasasho lahayn

Soo koobid

Walaaca iyo shaqada xad dhaafka ah ayaa dad badan waqtigooda ka hor keena qabriga. Laakiin abuurka, Ilaah wuxuu u dajiyay dawo xagga dhibaatada walaaca: maalin nasasho. Maalintan quduuska ah waxaa loo asteeyay in ay noqoto barako si ay dadku uga nastaan shaqadooda si ay waqti ula qaataan Ilaah. Nasiib darro, in kasta oo Eebbe dadka ku amray in ay xusaan, haddana badinkood waxay illoobeen maalintan qiimaha leh, qaar badanina way illoobeen kii abuuray ee iyaga siiyey.

Nooca

Tract

Daabacaha

Sharing Hope Publications

Lagu heli karo

21 Luuqadaha

Bogagga

6

Soo deji

Mita Duran way geeriyootay. Gabadhan fir fircoon ee ahayd nuqul-qore 24-jir ah una dhalatay dalka Indoneesiya ayaa un ku dul dhacday miiskeeda. Maxaa dhacay? 

Mita waxaa ay ka shaqaynaysay wakaalad xayaysiin, halkaas oo qofka wax weyn laga filayo iyadoo shaqaduna ay culus-tahay. Wax yar ka hor dhimashadeeda, waxay baraha bulshada uga hadashay sida ay u daalantahay: “Caawa, waxaan sitaa furayaasha xafiiska maalintii siddeedaad oo toos ah. . . . Wax nolol ah ma haysto.”

Waxay aad ugu tiirsanayd cabitaanka kafeega leh ee Krating Daeng, nooca Aasiya ee Red Bull. Faallooyinkii ay ku qortay khadka ee ugu dambeeyay waxay tiri, “30 saacadood oo shaqo ah oo weli sii socota.” Ka dib waxay ku dul dhacday miiskeeda mana soo kicin. 

Maxaa dhacay? Mita waxay u dhimatay shaqadi ayaa ka badatay.

Maanta, qaar badan oo naga mid ah waxay leeyihiin jadwal adag. Bulshadu waxay nagu boorinaysaa in aan aad u shaqayno, lacag badan kasbano, oo aanu wax badan iibsano. Waxaa na helay walaac, hurdo la’aan, iyo culays saaran maskaxda. 

Waxaa laga yaabaa in aanan nafteena goyn sida Mita Duran, laakiin noloshu waxay noqon kartaa culays aadan xamili karin. Ma waxan baa waxa uu Ilaahay noogu tala galay? Isagaa xasilloonida bixiya. Shaqadu markay naga tan badato, nabad ma dareemaynaa? Dabcan Maya!

Haddii daalku naga bato, macnaheedu waa in aan hilmaamsanahay wax Eebbe innaga rabo in aan xasuusano. Bal aynu ogaano waxa uu Ilaah ka yidhi nasashada. 

Riixidda badhanka “hakinta”

Eebe waa midka naxariista si guud iyo si gaar ahaanaydba. Wuxuu ogaa in aadanuhu u baahan yahay waqti ay ku buuxiyaan tamartooda jireed, maskaxeed iyo tan ruuxeed, sida taleefoonka gacanta ama kombuyuutarka laabtoobka oo kale. Sidaa darteed, nebi Muuse ayaa qoray amarka Eebbe:

Xusuuso maalinta sabtida in aad quduus (Xurma Gaar ah) ka dhigto. Lix maalmood waa in aad ku qabataa shuqulkaaga oo dhan, laakiinse maalinta toddobaad oo Sabtida waa maalinta Rabbiga Ilaahaaga ah. Dhexdeeda waa in aydaan innaba shuqul qaban (Laga soo xigsaday qaybta hore ee Kitaabka Quduuska ah, oo sidoo kale loo yaqaan Tawreed: Baxniintii 20:8–10).

Sharcigan aan la beddeli karin ee Ilaah wuxuu inoo sheegayaa in aan xusuusanno maalinta toddobaad. Sida laga soo xigtay luuqado badan oo adduunka, maalintan toddobaad ee nasashada waxaa loo yaqaan “Sabti.” Muxuu Ilaahay noogu amray in aan xusno? Sababtoo ah wuxuu og yahay in hilmaanku uu ahaa dhibaato joogto ah oo bani-aadamka haysta, laga soo bilaabo Aadan. Waa in aynaan illoobin amarrada Eebbe, maxaa yeelay, markaan xusno isaga iyo amarradiisa ayaa na lagu sugi doonaa jidka toosan.

Laakiin maxay Sabtidu u tahay maalin mudnaan gaar ah leh? Ilaah ayaa noo sheegayo,

Waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuu barakeeyey maalinta Sabtida oo quduus ayuu ka dhigay (Baxniintii 20:11).

Sabtida waa xusuus muhiim ah in Ilaah yahay kan wax abuura. Dadka qaarkii waxay diidaan in Ilaah nasto maalinta toddobaad, maadaamaa uusan ahayn mid daalo. Laakiin Ilaah kama nasan daal; Waxa uu hakiyay shaqadiisa hal-abuurka ah si uu inoogu sameeyo wakhti quduus ah oo aan ku nasanno.

Ilaah wuxuu arkay in maalinta nasashada ay dan u tahay aadanaha. Maalinta toddobaad wuxuu ka dhigay Sabti, taasoo la macno ah hakad, lagu nasto. Sidaa darteed, maalinta toddobaad ee asbuuc kasta waa maalin gooni ah oo la riixo badhanka “hakinta” ama shaqo ka nasashada. Waa in aan maalin dhan ka nasanno shaqada iyo hawlaha aan xurmadda lahayn si aan Ilaah u xusno una caabudno. 

Miyaynay ahayn mid lala ashqaraaro haddii madaxaaga ama borofeesarkaaga uu kugu amro in aad nasiinyo dheeraad qaadato? Haddaba waa isla sidaas sida uu Eebbe amray! Mahad Eebe ayay u sugnaatay! Runtii waa naxariis badane! 

Ka dhigidda Maalinta Ilaah Qudduus

Sabtida waa maalin caalami ah oo xurmad u leh dhammaan dadka aduunka ku nool. Waxaa dhawray rumaystayaasha tawxiidka kuwaasoo abuuraha runta ah Ilaahay aaminsanaa ka hor intaanay jirin Yuhuudda, Masiixiyiinta, Muslimiinta, Budhiistaha, ama Hinduuda. Dhab ahaantii, waxaa la siiyay dhammaan aadanaha markii dunida la abuuray. Aadam iyo Xaawo waxay xajiyeen sabtida, Ilaahayna waligiis nooma uusan fasaxin in aan illawno wuxuu noo sheegay in aan Xusuusano.

Nasiib darro, Sabtida marar badan waa la illoobay. Yuhuuddii hore nebiyadoodii ayaa uga digeen in Eebbe halaagayo hadday illoobaan Sabtida. Digniintii ma aysan dhegaysan, sidaas daraaddeed Yeruusaalem waa la baabbi’iyey, qoysaskoodiina iyagoo maxaabiis ah ayaa la kaxaystay. Masiixiyiinta waxay hilmaameen maalintii Sabtida, iyagoo ku beddalyay maalinta Axadda diidmo ay diidanyihiin amarada Eebbe darteed. Muslimiintu waxay tukadaan Jimcaha laakiin waxay illoobeen in ay tahay in aan nasanno maalinta toddobaad si aynu ugu noolaano addeecidda buuxda ee Ilaahii na abuuray. 

Maxay ugu muuqataa in adduunkeena oo dhami uu illaabaya maalintan muhiimka ah? Ma jirtaa sabab kale oo tan ka xun oo keentay hilmaamiddan baahsan?

Ciise Masiix wuxuu nooga digay awood caalami ah oo imanaysa taas oo Shaydaanku uu isticmaali doono si uu maskaxdeenna uga jeediyo Abuurahayaga. Malaayiin dad ah ayaa lagu khiyaanayn doonaa inay caabudaan sabti been ah. Haddiiba uu Shaydaanku na Illowsiin karo maalinta Abuuraha (Sabtida), wuxuu rajeynayaa in aan sidoo kale ilawno abuuraha laftiisa. Si kastaba ha ahaatee, markaan ilaalino Sabtida runta ah, Waxaan muujinaa daacadnimadenna Abuurahayaga waana ku raaxaysanaa hadiyadda uu na siiyay oo ah Nasashada, Nasiinada iyo nabadda.

Galitaanka Nasashada Eebbe

Nebi Muuse wuxuu qoray in “Rabbigu uu barakeeyey maalinta toddobaad” (Tawreed, Bilowgii 2:3). Ma daalan tahay oo ma jilicday? Waxaa jirta barakada sabtida! 

Mita Duran, nuqul-qorihii u dhalatay Indoneesiya, ayaa u dhimatay shaqo badan—laakiin ma ahan in aad adiga u dhimato. Ilaah wuxuu kugu marti-qaadayaa in aad ka nasato hawshaada asbuuc kasta oo aad la kulanto barakooyinka Sabtida. 

Haddii aad jeclaan lahayd in aad wax intaa dheer ka baratid sida Ilaahay inoogu deeqay nasiinyo, nabad iyo caafimaad, fadlan nagala soo xidhiidh xogta ku taal dusha warqadan.

Copyright @ 2023 by Sharing Hope Publications. Shaqada waa la daabici karaa oo loo wadaagi karaa arrimo aan ganacsi ahayn fasax la’aan.
Somali Bible © 1979, 2008 Bulshada Wasaaradaha Caalamiga ah-Kenya. Waxaa lagu isticmaalay oggolaansha. Xuquuqdoo dhan way dhawrsoontahay.

Ku biir warsidahayaga

Noqo kan ugu horreeya ee ogaada marka daabacaadaha cusub la heli karo!

newsletter-cover