
Mucjiso ma u baahan tahay?
Soo koobid
Ilaah wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ah in uu dadkiisa mucjisooyin siiyo marka ay ugu baahi badan yihiin. Kitaabka Quduuska ah waxaa uu inoo sheegayaa sheekooyin badan oo ku saabsan wax sii sheegyadii rumoobay, shakhsiyaad la bogsiiyey, iyo dhacdooyin la yaab ah oo ku iman kara oo kaliya jawaabta tukashada. Buug-yarahaan waxaa uu bixiyaa dhowr sababood oo aan ku rumaysan karno Kitaabka Qudduuska ah inuu yahay erayga Ilaah oo aan isbeddelin, iyo sida aad Ilaah ugu wajahi karto mucjisadaada adiga.
Nooca
Tract
Daabacaha
Sharing Hope Publications
Lagu heli karo
21 Luuqadaha
Bogagga
6
Beel aad u tiro badan oo xubnaha qoysku ka kooban yahay ayaa rajaynayay nolol wanaagsan oo waxay go’aansadeen inay u haajiraan waddan cusub. Si kastaba ha ahaatee, safarku, mid sahlan ma ahayn; waxay ahayd in ay lamadegaan wayn lug uga gudbaan. Masas, dib-qallooc iyo kulayl badan ayaa jiray. Haddii mid ka mid ah qoysku oo xanuunsan ama diciif ah ka dib dhaca safarka, waxaa soo weeraraya budhcad.
Markay mudda gaaban socdaalayeen, waxaa ka goáy cuntadii, balse hogaamiyahooda ayaa Ilaah mucjiso waydiistay. Maalintii xigtay, markay soo kaceen waxay arkeen waxyaaba yar-yar oo u eg sida kibis dhulka lagu qubay. Waxay u dhadhamaysay macaan, sida maraqa malab leh. Oo waxay ahayd mid ku filnayd qof walba inuu ka dhergo gaajada! Waxay ku qaadatay maalma badan in ay ka gudbaan lama degaanka, maalin kastana sida roob ayay kibistii samada uga da’aysay. Ilaah baa ammaanan, way badbaadeen!
Sheekadani waxay u muuqataa mid la yaab leh, laakiinse runtii way dhacday. Waa mid ka mid ah mucjisooyinka ku xusan Kitaabka Quduuska ah, oo laga yaaba in aad u garanaysid Tawreed, Sabuur iyo Injiil. Kitaabka Quduuska ah waxaa ku xusan boqolaal sheekooyiin oo dhab ah, kuwaasoo intooda badan ah mucjisooyin uu Ilaah dadkiisa u sameeyay. Waa kitaab muhiim u ah waqtigan, maadaamaa ay dad badan mucjisooyin u baahanyihiin.
Mucjisooyin Casri ah
Sanadahan dambe, waxaan arkaynay colaad sokeeye, kacdoono, bubur dhaqaale, shaqo-laáan, xanuunada faafa iyo dhimasho. Ma hubo sida xaalkaagu hadda yahay. Waxaa laga yaabaa in hoygaagi lagaa soo bara kiciyey. Waxaa laga yaabaa in qof aad jeceshay nolol iyo geeri u dhexeeya. Waxaa laga yaabaa in aad shaqa raadin ku rafaadsantahay.
Xaalad kasta oo aad ku sugan tahay, Ilaahay wuu ku daryeelayaa wuxuuna diyaar u yahay in uu maanta kuu sameeyo mucjiso sidii uu u samayn jiray wakhtiyadii hore. Markaad murugo dareentid, waxaad dhiirigelin ka heli kartaa akhrinta Kitaabka Quduuska ah, oo ah Kitaab mucjisooyin.
Erayada Ilaah ee Waqtigeenna
Dadka qaarkood way ka warwareegaan akhrinta Kitaabka Quduuska ah sababtoo ah waxay maqleen in wax uun laga beddelay. Waxaa laga yaabaa in fikraddan khaldan ay sabab u tahay qaab nololeedka dad badan oo sheeganaya in ay raacaan Kitaabka Quduuska ah. Mararka qaarkood waxaan aragnaa Masiixiyiin cabbaya khamriga, ciyaaraya khamaarka, u labista si aan xishood lahayn, cuna hilibka doofaarka, oo dadka ula dhaqma si naxariis darro ah.
Laakiin dhab ahaantii, dhammaan khaladaad-kaas waxaa lagu cambaareeyay Kitaabka Quduuska ah. Marka Masiixiyiintu Ilaah ku caasiyaan, tani ma beddeleyso saxnimada Eraygiisa waara. Rasuul Ishacyaah wuxuu qoray, “Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa” (Ishacyaah 40:8). Ma kula tahay in bini’aadamku ay awood ku filan u leeyihiin inay beddelaan Erayga Ilaahay, mise waxay u badan tahay inay si khaldan u dhaqmaan?
Kitaabka Quduuska waxa uu sheegay markii nebi Daa’uud iyo dadkiisii ay wadeen sanduuqa axdiga, sanduuq weyn oo dahab ah oo ay ku jiraan tobanka Amar. Tobanka Amar waxay ahaayeen sharciyada Ilaah ee nolosha suuban oo waxay ku qornaayeen laba loox oo dhagxayo ah lana dhex dhegi jiray sanduuqii dahabka. Markii la waday sanduuqa, nin baa isku dayay in uu taabto—islamarkiiba wuu dhintay!
Hadduu Ilaah u ogolaan waayey in sanduuqa quduuska ahaa ee siday erayadiisa ay taabtaan gacma isla-wayn, intee in la eg buusan ogolaan doonin in kuwa shar leh la soo aadaan eraygiisa qoran manqas iyo qalin wax saxa? Ilaah waa awooda in uu ilaaliya ereygiisa.
Ujeedda ahaan, Kitaabka Quduuska waa buugga ugu badan ee la xaqiijiyey taariikhda aadanaha. Mar aan sii dheerayn, saddex reer miyi oo adhi jir ah ee ku sugnaa Falastiin—Maxamed edh-Dhib, Juma Maxamed, iyo Khaliil Muusa—ayaa si lama filaan ah ku helay Qoraalladii badda dhimatay. Tani waxay ahayd helitaan qaddiimi ah kaa soo noo fududeeyay in Kitaabka Quduuska ah ee maanta jira barbar dhigna qoraalladii Kutubtii Quduuska ahayd ee laga soo wareegay 2,000 oo sano. Is waafaqidda ayaa ah mid la yaab leh, taasoo mar kale noo tilmaamaysa xaqiiqada ah in Waxyiga Ilaah aanan la badali karin. Haddaad mucjiso u baahan tahay, Kitaabka Quduuska ayaad hubaal ahaan ka raadsan kartaa! Halkan waxaad ka heli sheekooyin cajiib ah oo ku saabsan nebiyadii hore sida Nuux, Ibraahim, Yuusuf, Yoonis, Daanyeel, Daaúud, iyo Sulaymaan. Waxaa laga yaabaa in aad meela kale waxyaaba ku saabsan ka maqashay iyaga, laakiin Kitaabka Quduuska wuxuu hayaa sheekooyin-koodi oo dhamaystiran!
Kaalay oo hel mucjisadaada
Dhibaato kastoo laga yaaba in aad la kulantid, Kitaabka Quduuska wuxuu kuu hayaa sheeko mucjisa ah oo kugu saabsan:
Adiga mise qof aad jeceshahay, ma xanuunsan yahay? Waxaad akhridaa sidii mucjisada ahayd ee loo bogsiiyey Naamaan, Sarkaalkii Suuriyaanka ahaa ee qabay baraska.
Ma kugu adag tahay in qoyskaaga aad quudisid? Waxaad akhrisaa sheekadi carmaltii Lubnaaniyadda ahayd iyo wiilkeeda, kuwaasoo abaarti uga gudbay joog/jeeg/aashuun saliid ah iyo rooti aan ka dhamaanaynin.
Naftaada khatar ma ku jirtaa? Waxaad akhrisaa sheekadi Cebedmeleg, addoonkii reer Itoobiya oo ku noolaa qasriga boqorka, siduu Ilaah noloshiisa uga badbaadiyay xilligii colaada rumaysadkiisa dartiis.
Ma dareemaysaa in aad tahay mid la dayriyey? Waxaad akhrisaa sheekadi Haajaradii Masaarida ahayd, tii heshay mucjisyooyinki Ilaah marki la tuuray.
Miyaad dhax quustay dhibaatooyinka nolosha? Waxaad akhrisaa sheekadi Ciise Masiix markuu gacantiisa fidiyay si uu u dajiyo duufaan xoog ugana badbaadiya xertiisa burburkii doonta.
Jawaabooyin Mucjisa ah
Markaan akhrinoa Kitaabka Quduuska ah, waxaa naga buuxsamaya kalsooni aan ku rajayna in aan helna waxaan ku ducaysana. Ciise Masiix wuxuu yiri, “Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan” (Matayos 21:22). Markaan akhrina sheekooyin ku saabsan kuwa mucjiso ka helay xagga Rabbiga, quluubteenna waxay ku dhiirranaysaa rajo ah in aan ku cadaadinno codsiyada xagga Jannada.
Mucjiso ma u baahan tahay? Mucjisooyinka Kitaabka Quduuska ah dheeragelin ka hel oo adiga taada Ilaah weydiiso. Hubaal Ilaah wuu aqbalaa ducadaada maanta!
Haddii aad jeceshahay in aad wax dheeraad ah ka ogaatid mucjisooyinka Kitaabka Quduuska ah, fadlan nagala soo xidhiidh akhbaarta ku taal dusha warqadan.
Somali Bible © 1979, 2008 Bulshada Wasaaradaha Caalamiga ah-Kenya. Waxaa lagu isticmaalay oggolaansha. Xuquuqdoo dhan way dhawrsoontahay.
Ku biir warsidahayaga
Noqo kan ugu horreeya ee ogaada marka daabacaadaha cusub la heli karo!

Hel Dhagaystayaashaada
Daabacaadaha la sifeeyay
© 2024 Sharing Hope Publications