Sida Loo Fikiro Iskaa

Sida Loo Fikiro Iskaa

Soo koobid

Nebiyadii Ilaahay waxay sii sheegeen awood diimeed khatar ah oo lagu tilmaamay magaca summada ah ee "Baabuloon." Sida wax sii sheegidda sheegaysa, awooddani waxay isku dayi doontaa in ay nagu qasabto oo nagu sasabto cibaadada beenta ah. Sida kaliya ee aan ku heli karno badbaado waa in aan nafteena ka fikirno oo aan ilaalino daacadnimada adag ee Erayga Ilaah ee la muujiyey. Buug-yarahaan waxa uu inoo sheegayaa sida aan maskaxdeena u adeegsan lahayn si aan u noqono kuwa xikmad leh, rumaysta, fikir leh wakhtiyada dhibaatooyinka aduunka.

Nooca

Tract

Daabacaha

Sharing Hope Publications

Lagu heli karo

21 Luuqadaha

Bogagga

6

Soo deji

Socod dheer ka dib waxaan tagnay shirwaynihii ka dhacayay Gunung Datuk. Waxaan la fadhiistay saaxiibkayga cusub, Adzak, si aan ugu raaxaysto daawashada dhulka. Wax yar ka dib, sheekadeenii waxay isu rogtay mowduucyo diimeed.

“Waxaan ahay mufakir xor ah,” ayuu yiri Adzak. “Waxaan leeyahay aragtiyo ii gaar ah oo ku saabsan adduunka.”

“Haye haa” ayaan ugu jawaabay. “Waxaan maqlay dhalinyaro badan oo Malaysiyaan ah ooo sheeganaya in ay yihiin mufakiriin xor ah.”

Adzak ayaa qoslay. “Waa in aan nafteena ka fikirnaa. Waxaa jira jahwareer badan haddii kale.  Way ku waali doontaa.”

“Laakin ka waran marka aad guriga tagto?” Ayaan waydiiyey. “Halkan Malaysiya, dhalinyaro badan ayaa isku magacaabay mufakiriin xor ah, laakiin guriga, waxaa lagaa filayaa in aad ka qayb qaadato caadooyinka Islaamka ama Buddiska. Maxaad u sheegtaa waalidkaaga?”

“Waxba uma sheego,” ayuu Adzak ku jawaabay. “Kaliya waxaan raacayaa waxay rabaan. Waxaan u fakeri karaa si xor ah, laakiin waa in aan aniga uun isku koobaa.”

Fikirka Xorta Ah Ma Muhiim baa?

Qaybo ka mid ah aduunka, aaminsanaanta wax khalad ah waxay kaa saari kartaa beeshaada, waxaad ku wayn kartaa shaqadaada, ama xitaa waa laguu dili karaa. In aad iskaa u fikirto waxay kuu keeni kartaa khatar. Laakiin muhiim ma tahay?

Adduunkeena waxaa ka buuxa fikrado wanaagsan iyo kuwa xun. Hal waddoo muhiim ah oo aad ku bilaabi karto in aad wanaagga ka shaandheyso xumaanta waa in aad ka fikirto kana hadasha. Haddii aad iibsanayso wax qaali ah-sida dahab, saffron, ama iPhone- intaad lacagta bixiso kaliya guriga ma geynaysid. Waad baari lahayd oo aad barbardhigi lahayd alaabta kale ee la tartamaysa si aad u hubiso in aad runtii heleyso tayada ugu fiican. Fikradaha waa in sidaasi si la mid ah loola dhaqmo.

Jahwareer badan ayaa adduunka ka jira, waxaana uga sii daraya marka dadku isku dayaan in ay ku qasbaan fikradahooda jaahwareerka ah bulshada. Aan kuu sheego wax sii sheegid muhiim ah. Buug qaddiimi ah oo la yiraahdo “Muujintii Ciise Masiix,” wax sii sheegiddu waxay ka warramaysaa dadka isku daya in ay ku qasbaan aragtidooda diimeed ee wareersan kuwa kale. Waxay leedahay, “Baabiloon waa dhacday, oo waa dhacday magaaladaas weynayd, maxaa yeelay, iyadu waxay quruumaha oo dhan ka waraabisay khamrigii cadhada sinadeeda” (Muujintii 14:8).

Erayadan astaanta u taagan ma adka in la garto. Baabiloon waxay ahayd magaalo qaddiimi ah oo caan ah, laakiin magaceeda waxaa loola jeedaa “jahwareerka.” Magaaladu waxa ay usoo dhacday, ma aha in ay wareersan tahay laakiin sababta waa in aysan rabin in ay ka baxdo wareerkeeda. Waxay sasabataa quruumaha si ay ugu biiraan dhillanimadeeda ruuxiga ah—taas oo ah, khiyaanaynta Ilaah iyadoo isku daraysa cibaadada beenta iyo tan runta ah. Fikradahaas been abuurka ah kuwo caadi ayaa laga dhigaa waana la ogalaadaa. Wax sii sheegiddan ku saabsan “Baabiloon” waxay tilmaamaysaa hay’ad ruuxi ah oo caalami ah oo aan kaliya caadi ka dhigayn khaladka ruuxa laakiin ugu dambeyntii isku dayi doonaan in ay ku qasbaan dadka runta ku dheggan.

Muujintii Ciise Masiix ayaa saadaalisay in tani ay dhici doonto maalmahayaga (wakhtigeena). Waxaa laga yaabaa in aad hore u aragtay tan oo dhacaysa. Miyay jiraan dad ku matalo Ilaahay fikrado been ah? Damiirkaagu ma diiday arintaas?

Haa, tani waa sababta fikirka xorta ah uu muhiim u yahay.

Sida Loo Fikiro Iskaa

Dadka intooda badan waxay ku qanacsan yihiin inay raacaan diinta bulshadooda.  Iyagu kama fikiraan waxay aaminsan yihiin. Waxay raacaan dhaqamo diini ah oo aan macno samaynayn ama ka dhib badan wanaagga. Mararka qaarkood, xitaa culumada diinta, kuwaas oo la rabay in ay ina tusaan jidka Eebbe, ayaa iyaga laftooda waxaa ka buuxa musuq—maasuq.

Sideen ku heli karnaa runta? Waxaan soo jeedinayaa in aan aamino nebiyada. Sababtee? Saddex sababood aawadood:

  1. Nebiyadu waxay muujinayaan aqoon la yaab leh oo ku saabsan mustaqbalka. Nebi Daanyeel wuxuu saadaaliyay kor u kaca Yurub ilaa mawqifkeeda taariikheed ee gumeysiga adduunka. Ciise Masiix (oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Jesus Christ) wuxuu sii sheegay burburka Yeerusalem ee 70 CE. Nabi Muuse waxaa uu sii saadaaliyay taariikhda Ismaaciil ilaa aakhiro.

  2. Nebiyadu waxay muujinayaan aqoonta sayniska ee caafimaadka. Nebi Muuse, oo noolaa qiyaastii 3,500 oo sano ka hor, wuxuu sharraxay karantiil, asturidda wasakhda nadaafadda, iyo habka loo dilo jeermisyada. Wuxuu u kala qaybiyey xayawaanka mid nadiif ah iyo mid aan nadiif ahayn. Oo wuxuu noo sheegay in aynaan cunin dhiig iyo baruur markaan cunayno hilib nadiif ah. Xitaa maanta, kuwa raacaya sharciyadiisa cuntada iyo nadaafadda waxay noolaadaan 15 sano ka badan dadweynaha guud.

  3. Eebbana wuu ajiibaa ducada mu‘miniinta ee Isaga tala saarta rumeeyayna nebiyadiisa. 

Qorniinka nebiyadu waxaa ka buuxa hanuun-laakin si aynu uga faa’iidaysano iyaga, waa in aynu baranaa sida aynu si qoto-dheer ugu fikirno, una tijaabino waxa aynu rumaysnahay, iyo in aynu hubinno caddaynta iimaankeena. Fikirku waa qayb muhiim oo ka mid ah diinta saxda ah.

Hadda, maxaa dhacaya markaan baarno qalad? Waxay u ekaan kartaa run marka hore. Laakiin markaan raadineyno caddayn, waxaan bilaabeynaa in aan aragno dhibaatooyinka fikradda ay leedahay. 

Runtu waa caksigeeda (lidkeeda). Marna waxba ma lumin markii si taxadar leh loo hubiyo. Hadba inta aan baadhno, runta way sii badanaysaa. 

Mu’miniintu waxaa haboon in ay noqdaan dadka ugu xigmadda badan adduunka sababtoo ah Ilaahay ayaa nagu hagayaa jidka xigmadda. Haddii aad aragto adigoo ku jiro xaalad aan laguu oggolayn in aad si xor ah u fikirto ama aad wax waydiiso, markaa ma aha wax ka yimid xagga Eebbe. Wuxu nagu marti qaaday in aan si dhow wax u weydiino, sababtoo ah runtu xoog ku filan way leedahay oo ay baaritaan diyaar ugu noqoto. Laakiin Baabiloon been bay kugu sasabtaa, oo halkaasay kugu haysaa, iyadoo kaa xidhay albaabkii dadaalka aqooneed.

Haddaad aad u wareersan tahay oo aad dareemayso in aad Baabilloon joogto, soo bax! U kaalay jidka Eebbe ee xigmadda. Ka fikir naftaada oo weydii su’aalo adag. Ma niyad jabi doontid. 

Ma jeclaan lahayd in aad wax badan ka ogaato Muujintii Ciise Masiix? Fadlan nala soo xiriir macluumaadka ku yaal dhabarka warqadan.

Copyright @ 2023 by Sharing Hope Publications. Shaqada waa la daabici karaa oo loo wadaagi karaa arrimo aan ganacsi ahayn fasax la’aan.
Somali Bible © 1979, 2008 Bulshada Wasaaradaha Caalamiga ah-Kenya. Waxaa lagu isticmaalay oggolaansha. Xuquuqdoo dhan way dhawrsoontahay.

Ku biir warsidahayaga

Noqo kan ugu horreeya ee ogaada marka daabacaadaha cusub la heli karo!

newsletter-cover