Naxariis loo ooman yahay

Naxariis loo ooman yahay

Soo koobid

Naxariista Ilaahay sidee bay u egtahay? Ma wuxuu kaliya dhahaa, "Waan ku cafiyay" mise wuxuu bixiyaa beddel uu ku tuuraya diiwaankeena ceebeeysan? Buug-yarahaan waxa uu nala wadaagayaa sheeko asal ah si ay gacan uga geysato faahfaahinta baahida iyo macnaha allabariyada beddelka ah. Akhristayaashu waxay yididiil ka heli doonaan inay ogaadaan in dembigooda la cafin karo oo laga saaro ceebtooda.

Nooca

Tract

Daabacaha

Sharing Hope Publications

Lagu heli karo

21 Luuqadaha

Bogagga

6

Soo deji

Faadumo waxay ahayd keligeed maalin Ciidul-Adhxa ah, cidlada ay dareemaysay waxay u muuqatay mid aysan xamili karin. Cidlanimada ay dareemaysay, iyada ayaa isu keentay, miyaysan ahayn? 

Faadumo waxaa ay soo xasuusatay sida ba’an oo ay aabaheed ugala dooday in loo guuriyo Axmed. Waxay ahayd gabar da’yar oo uu jacayl galay. Sidee buu aabaheed ugu odhan karaa maya? Markii ay la baxsatay Axmed si ay u guursato, aabaheed waxa uu yidhi dib yaysan iigu soo laaban.

Waxa ay la noqotay in ay ceebta u dul qaadan karto jacaylka ay u qabto Axmed aawadiis. Laakin wax yar ka dib, waxaa ay ogalaatay in ay qirato aabaheed in uu saxsanaa. Axmed ma ahayn ninkii ay moodaysay in ay jeclaatay. Naag kale ayuu ka raacay.

Faadumo waxay dareentay ceeb iyo xishood. Waxa ay rumaysatay in ay caddaaladda la kulantay oo laga goynayo wixii ay galabsatay. Si fiican ayay u fahamsanayd caddaaladda. Balse, alla! muxuu qalbigeeda naxariis u oomanaa!

Naxariista guud iyo tan gaar ahaaneedba

Haddaynu daacad nahay, dhammaanteen waxaynu samaynay khaladaad iskana indha tirnay codkii xigmadda. Waxaan u gafnay dad kale. Dadka kale iyagana way noo gafeen. Bulshooyinkeena waxaa ay ka kooban yihiin dad khaladaad sameeya. Iyo sida ay u adag tahay in midba midka kale cafiyo iyo nafteenaba! 

Khaladaadkeena wax naxariis ah ma leeyihiin?

Bal u fiirso inta jeer ee aad ku celcelisay weedha fudud ee “bismillah Al-Raxmani Al-Raxiim”—“magaca Eebaha Naxariistaha gaaar ahaanayd, iyo naxariista guudba Naxariista.” Naxariista maxaa wax gooni ah ka dhigay?

Waxaa laga yaabaa in ay sababtu tahay in bulshooyinkeena iyo quluubteenuba-u baahan yihiin naxariis aad u badan.

Naxariis: Jidka Wangaasan

Sanooyin ka hor, nin la odhan jiray Cabdi-Raxmaan ayaa la dagaalamay oo dilay deriskiisii Cabdi-Kariim. Nolosha ayaa cidhiidhi ku noqotay labada qoysba ee ku noolaa tuuladan yar ee Masar ku taala. Qoyski Cabdi-Kariim ayaa doonaya aargoosi, halka qoyska Cabdi-Raxmaana ay si baqdin leh isugu dayayeen in ay isaga ilaaliyaan. Cabdi-Raxmaan ma uusan rabin in uu aargoosiga sii socdo. Talo ayuu weydiistay hogaamiyaasha tuulada, waxayna kula taliyeen caadadii karfanta.

Cabdi-Raxmaan waxa uu keenay karfantiisii wuxuuna kor saaray mindi. Wuxuu aaday suuqa si uu qoyska Cabdi-kariim ula kulmo, iyadoo tuulada oo dhan ay wada daawanayeen. Cabdi-Raxmaan waxaa uu ku hor jilba joogsaday Xabiib oo ah walaalka dhibbanaha, waxaa uuna u dhiibay karfantii iyo mindidii. Waxa uu waydiistay naxariis iyo dib-u-heshiisiin.

Xabiib mindidi ayuu Cabdi-Raxmaan luqunta ka saaray. Hogaamiyaashii tuulada waxay keeneen neef ido ah, Xabiibna waa in uu go’aan qaato: naxariis, mase aargoosi? Markii uu mindidi dul saaray qoorta Cabdi-Raxmaan, ficilladiisu waxay muujinayeen, “Awoodayda ayaan hadda kugu hayaa. Dadkoo dhami way arkaan; qof walba waa ogyahay in aan xaq u leeyahay in aan ku dilo, kartina aan u leeyahay. Waxaanse dooranayaa naxariista iyo dib-u-heshiisiinta. Waana soo afjari doonaa dhiig daadinta.”Wuu ka soo jeestay dhankii Cabdi-Raxmaan, oo halkii ayuu neefki idaha ahaa ku gowracay. Markii xanuunka, xanaaqa, iyo cadaalad raadintii uu xawayaanka liqay, Xabiib wuxuu isku duubay Cabdi-Raxmaan. Nabaddii labada qoys dhexdooda ahaan jirtay ayaa dib loo soo celiyey.Haddiba aadanuhu heli karaan siyaabo uu isu oggoleysiiyo caddaaladda iyo naxariista, waxaa hubaal ah in Ilaahna sidaas oo kale samayn karo!  

Ciise Masiix: Naxariista Xagga Eebe ka timid

Xaggee baynu ka baran karnaa naxariista Eebbe? Aad bay u fududahay. Waxaa suurtagal ah in aad maqashay in Ciise Masiix (oo afka qalaad lagu yiraahda Jesus Christ) loogu yeedho “Naxariista” Ilaah. Tani macnaheedu waxa weeye in uu si buuxda uga koobanyahay naxariis. Jidkiisa—Waxbariddiisii Injiilka, kuwaasoo afka qalaad lagu yiraahda Gospel—ayaa ah waddadiisa cafinta iyo dib-u heshiisiinta. 

Ciise Masiix wuxuu buuxin karaa doorkaas la yaabka ah sababtoo ah waa kan keliya ee Ilaah soo diray oo aan wax ah dembi lahayn. Nebi kasta iyo rasuul kastaaba waxay u baahdeen cafinta gafafkooda, laakiin uma baahna Ciise Masiix. Si toos ah ayaa loo geeyey jannada halkii uu ka sugi lahaa maalinta qiyaame, sababtoo ah waligii khalad ma samayn—xataa mid yar.

Sababtaas awgeed ayaa loogu yeedhay Naxariista xagga Eebbe ka timid. Wuxuu ina siiyey tusaale naxariis nadiif ah, wuxuuna baray sida loo helo naxariista Eebbe.

Sidee buu Ciise Masiix ii caawin karaa?

Waxaa qoran in Yooxanaa Babtiisa oo afka qalaad lagu yidhaah (John The Baptist) uu arkay Ciise Masiix isagoo dad badan dhexdooda ku jira, markaasaa xagga Ilaah looga waxyooday, isagoo ku qayliyey, “bal eega! Wanka Ilaah oo dembiga dunida qaadaya!” (Injiil, Yooxanaa 1:29). Ciise Masiix waa sida sabeentii jidki dib-u-heshiisiinta ee Cabdi-Raxmaan furtay.

Hadii qaladaadkeena na lagu ciqaabo, tani waa cadaalad. Laakiin Ciise Masiix, oo gebi ahaanba aan dembi lahayn, ayaa si iskiisa ah u qaatay masuuliyadda khaladaadkeenna. Cidna ma aysan qasbin. Isaga oo raalli ka ah ayuu naftiisa u huray in uu ka jawaabo baahida loo qabo caddaaladda. Waxaa uu ahaa qofka keliya ee aan waxba galabsan ee weligii noolaa, haddana wuxuu oggolaaday in isaga loola dhaqmo sidii wankii sheekada Cabdi-Raxmaan ku jiray oo kale. Waa sababtaas, markuu aawadeenna u silcay dabadeed, uu Ilaah isaga kor ugu qaaday samada. 

Waxaa laga yaabaa in khilaaf ka dhax jira gudaha noloshaada. Waxaa laga yaabaa in aad la mid tahay Faaduma, oo ay ku tuureen kuwa aad jeclayd. Waxaa laga yaabaa in qof ku dhaawacay, ama sumcaddaada si aan caddaalad ahayn loo dhaawacay. Waxaa laga yaabaa in aad tahay sida Cabdi-Raxmaan, dambiile ka baqaya aar-goosi.

Ciise Masiix ayaa ku caawin kara. Waxaad si fudud u samayn kartaa baryo gaaban sida tan:

Rabbiyow, weligay dembiyadayda ma mag-dhabi karo. Laakiin waan ogahay in aad noo soo dirtay Ciise Masiix si naxariistaada ah. Fadlan Iguna cafi falalka wanaagsan ee uu u sameeyay aadanaha oo dhan aawadadeed. Iga caawi in aan fahmo jidka Ciise Masiix si ay noloshayda u hesho naxariistaada. Aamiin.

Haddii aad jeclaan lahayd in aad hesho nuqulkaaga Injiilka ah, fadlan nagala soo xidhiidh xogta ku taal dusha warqadan.

Copyright @ 2023 by Sharing Hope Publications. Shaqada waa la daabici karaa oo loo wadaagi karaa arrimo aan ganacsi ahayn fasax la’aan.
Somali Bible © 1979, 2008 Bulshada Wasaaradaha Caalamiga ah-Kenya. Waxaa lagu isticmaalay oggolaansha. Xuquuqdoo dhan way dhawrsoontahay.

Ku biir warsidahayaga

Noqo kan ugu horreeya ee ogaada marka daabacaadaha cusub la heli karo!

newsletter-cover