
In Laga Badbaado Sharka Ruuxda shaydaanka
Soo koobid
Ruuxyada sharka leh waa xoog badan yihiin, laakiin uma xoog badna sida Ciise Masiix. Buug-yarahaan waxa uu qeexayaa sida Ciise uu jinniyo uga saaray dad silicsan ee uu uga caawiyay inay bogsadaan. Maantana sidaas oo kale ayuu inoo samayn karaa. Kitaabkiisu waxa uu ina barayaa wax kasta oo aynu u baahanahay in aynu ogaano si aynu uga xorowno dhibaataynta iyo Xadgudubyada shaydaanka. Waxaa kale oo uu ina barayaa sida aan isaga ilaalin karno in ay ina khiyaaneeyaan kuwa sheydaan u ekeyaasha ka hor inta uusan soo noqon.
Nooca
Tract
Daabacaha
Sharing Hope Publications
Lagu heli karo
22 Luuqadaha
Bogagga
6
Jinku meel walba ayuu joogaa. Haddii aad ugu yeedho ruuxaan, shaydaan, ama jinni, waxay noqon karaan wax laga cabsado. Dadka qiiqa shido, sixiroolayaasha, iyo biraha la xidho waa caan, laakiin si dhab ah ma noo ilaalin karaan?
Waxaan jeclaan lahaa in aan kula wadaago saddex tillaabo oo fudud oo aad uga badbaado sharka jinniyada, si aadan uga baqin.
Iska Ilaalinta Jinniyada Sharka Leh
Ninka wuu qaawanaa wuuna qaylinayay. Waxaa galay jinni badan, mana jirin cid u gargaari karta. Dadkii tuulada joogay waxay ku xidheen silsilad, laakiin wuu jejebiyey maadaamaa uu lahaa itaal aad u weyn, markaas ayuu u cararay in uu xabaalaha dhex joogo. Maalmo badan ayuu si xun u ooyay oo dhagaxaan isku jarjarayay.
Ilaa uu yimid nin la yidhaahdo Ciise Masiix.
Ninkii aad ayuu u dhibbanaa oo markuu afka kala qaaday si uu gargaar u weydiisto, jinnigii baa ku qayliyey Ciise Masiix si uu uga tago isaga. Laakiin Ciise ma uusan tagin. Wuu ogaa waxa dhacaya. Isagoo aan cabsan ayuu jinkii ku amray in uu ninka ka baxo.
“Ha noo dirin yaamayska!” Jinkii baa tuugsaday. Waxay codsadeen in ay galaan doofaarro meel u dhow daaqayo. Markaasuu Ciise ku amray in ay ninka ka baxaan oo ay xayawaanka wasakhda ah galaan. Isla markiiba, ninka miyirkiisu wuu soo noqday, doofaarradii oo dhammina waxay ka daateen jarar kuna hoobteen badda.
Ugu dambayntii, ninki wuu xoroobay. Aad buu u mahad celiyey! Laakin tan kaliya kuma eka sheekada. Ciise Masiix awoodda Jinniyada sharka leh mid ka weyn ayuu lahaa. Meel kasta oo uu tago wuxuu soo samata-bixiyey dad jinni qabay. Waxa kale oo uu siiyey xertiisii in ay ka awood bataan Ibliiska:
Bal eega, waxaan idin siinayaa amar aad ku xukuntaan xoogga cadowga oo dhan, oo innaba waxba idinma yeeli doono. Si kastaba ha ahaatee tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in ay magacyadiinnu ku qoran yihiin jannada (Injiilka, Luukos 10:19–20).
Markaan raacno Ciise Masiix, waxaynu heli karnaa in aan ku badbaadno noloshan iyo in aan isku hubno nolosha imanaysa! Aynu eegno saddex tillaabo oo lagaga xoroobi kara jinniyada sharka leh.
Tallaabada 1aad: Codso Awoodda Magaca Ciise Masiix
Talaabada ugu horeysa waa in lagu raadiyo ilaalinta Ilaah magaca Ciise Masiix. Keligeen, itaal ma lihin. Laakin markaan ku dhawaaqna magaca Ciise Masiix nolosheena, jinniyada sharka leh waxay noqdaan kuwo aan itaal lahayn! Sayidinaa Ciise wuxuu ka yidhi xertiisa: “Magacayga ayay Jinniyo ku saari doonaan” (Injiil, Markos 16:17).
Haddii aad qalbigaaga oo dhan ka aaminsan tahay in Sayidinaa Ciise ku xorayn doono, wuuna samayn doonaa! Kaliye ku bari Ilaah ducadan, “Rabbiyow, fadlan iga samata-bixi jinniyada sharka leh magaca kan aad soo dirtay, Ciise Masiix!”
Tallaabada 2aad: Raadi Nadaafadda Gudaha iyo Dibadda
Ciise Masiix wuxuu na baray in aynaan u ogalaan meel yar oo naga mid ah Ibliis. Wuxuu yidhi, “Kan Madaxda dunida ah [Ibliis] wuu imanayaa, isagana waxba iguma laha” (Injiil, Yooxanaa 14:30). Waa in aan sidoo kale nolosheena ka nadiifinnaa wax kasta oo shar ah oo saamayn kara.
Maxaa loola jeedaa Ibliis “waxba naguma laha”? Waxay la macno tahay in uusan qalbiyadeenna iyo guryaheenna wax uu isaga leeyahay ugu jirin. Waa in aan iska tuurno biraha, lafaha iyo kuulasha khuraafaadka. Waa in aan ka fogaano xumaanta dembiga leh sida sawirada qaawan, daroogooyinka, iyo khamriga. Haddii aan ku lug lahayn caadooyinka lahadlidda kuwii dhintay ama habaarista, waa in aan isla markiiba joojinaa hawlahaas. Sidaa ayaan kaga daahirinaynaa deegaankeena, saameynta shaydaanka. Dabadeed, waa in aan Eebbe ka barinaa dambi dhaaf iyo uu inaga daahiriyo gudaha.
Tallaabada 3aad: Ka Buuxi Noloshaada Iftiin
Ka dib markuu Ciise Masiix kaa soo furta awoodda jinniga, u ogolow in uu noloshaada mas’uul ka noqdo. Qalbigaaga ha uga tagin faaruq. Ciise Masiix wuxuu yidhi,
Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn isagoo nasasho doonaya, mana helo. Markaasuu yidhaahdaa, “waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.” oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo madhan oo xaaqan oo hagaagsan. Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xun-xun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan; ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore (Injiilka, Matayos 12:43–45).
Marka lagaa nadiifiyo jinniga, noloshaada ka buuxi nuurka kitaabka Ciise ee Baybalka. Ciise Masiix wuxuu u yimid “dunida in uu nuur u ahaado, in mid kasta oo (isaga) rumaystaa aanu gudcurka ku sii jirin” (Injiil, Yooxanaa 12:46). Hel nuqul ka mid ah kitaabka Ciise oo akhri maalin kasta si iftiinkiisu uu mugdiga u saaro.
Badbaadada Mustaqbalka
Waxaan ku dhownahay dhammaadka wakhtiga marka ruuxaanta sharka leh ay aad uga firfircoon yihiin sidoodii hore. Ciise Masiix wuxuu saadaaliyay in ka hor inta uusan soo laaban, xoogagga sharku ay samayn doonaan mucjisooyin badan oo been ah si ay isugu dayaan in ay Dhagri doonaan rumaystayaasha. Qaar ka mid ah, jinniyadu waxay u muuqan doonaan qaabab argagax leh sida ruuxaan; dadka qaar, waxay ugu muuqan doonaan malaa’ig ama qaraabo dhimatay oo kale. Shaydaanku qudhiisa ayaa iska dhigi doonaa Ciise Masiix!
Laakiin uma baahnid in lagugu khiyaaneeyo beenta. Haddii aad raacdo Ciise Masiix, wuxuu ku siin doonaa awood aad kaga hor tagto Ibliis. Saaxiibow, wax kasta oo halgankaagu maanta yahay, Ciise Masiix ha ku xoreeyo!
Haddii aad jeclaan lahayd in mid xerta Ciise Masiix ka mid ah uu kaaga duceeyo samatabbixintaada jinniyada sharka leh, fadlan nagala soo xidhiidh xogta ku taal gadaasha warqadan.
Copyright @ 2023 by Sharing Hope Publications. Shaqada waa la daabici karaa oo loo wadaagi karaa arrimo aan ganacsi ahayn fasax la’aan.Somali Bible © 1979, 2008 Bulshada Wasaaradaha Caalamiga ah-Kenya. Waxaa lagu isticmaalay oggolaansha. Xuquuqdoo dhan way dhawrsoontahay.
Ku biir warsidahayaga
Noqo kan ugu horreeya ee ogaada marka daabacaadaha cusub la heli karo!

Hel Dhagaystayaashaada
Daabacaadaha la sifeeyay
© 2024 Sharing Hope Publications