Xukunka oo aan wax Baqdin ah Laga Qabin

Xukunka oo aan wax Baqdin ah Laga Qabin

Soo koobid

Ka fikiridda maalinta xukunka waxay cabsi gelisaa qalbiyada dad badan. Sideen ku xaqiijin karnaa inaan si badbaado leh uga gudbi karno maalinta ugu dambeysa ee xisaabinta? Ilaah wuxuu sheegay in uu ina siin doonaa u doode-Qof inoo dhexdhexaadiya xukunka sida garyaqaanku ugu dacwoodo kiiskeena maxkamada dhulka. Buug-yarahaan waxa uu ina barayaa u doodaha oo waxa uu ina barayaa sida loo helo hubaal marka aynu ka fikirno xukunka soo socda.

Soo deji

Subax subaxyada ka mid ah, ayaan ka soo baxay qolkaygii hudheelka si aan uga qayb galo shir muhiim ah. Waan daahay sidaas darteed gaariga degdeg ayaan ku waday—in ka badan xadka xawaaraha la ogol yahay. Meeshii aan u socday kala bar markaan marayo, ayaa nin booliis ah ijoojiyay oo igu yidhi waa in aad ii raacdaa saldhigga! Waxaan dareemay walwal iyo ciirsi la’aan waayo waxaan ogaa in aan dambiile ahay.

Ka dib markii uu sarkaalka boolisku furay gal dacwadeed iga dhan ah, waxa la iiga yeedhay maxkamad u dhow saldhigga. Halkaa, waxa dhacday in aan kula kulmay saaxiibkay oo shaqadiisu tahay qareennimo. Wuu yaabay markuu i arkay. Markii aan xaaladdayda u faahfaahiyay, wuxuu igu yidhi, “Ha walwelin. Kiiskaaga anaa qaban doona.” Aad ayaan u farxay. Saaxiibkay ayaa ii doodayaa!

Maadaamaa saaxiibkay uu kiiska soo galay si uu iigu doodo, garsooruhu wuxuu i saaray ganaax yar. Waxaan ka baxay maxkamada anigoo Ilaahay amaanaya.

Runtii waa wax laga naxo in la hor istaago xaakin dhulka jooga. Laakiin waxba ma aha marka la barbar dhigo siduu xaalka noqon doono marka la istaago Eebbe hortiisa maalinta wayn ee xisaabta. Haddii maalintaas ay berri imaan lahayd, diyaar ma u noqon lahayd?

U diyaar garowga Xukunka

Dadka qaarkiis waxay kaga jawaabaan xukunka soo socda hab-dhaqan caadi ah. Waxay cabbaan khamriga, sigaarka, waxay ciyaaraan khamaarka, waxay aadaan meelaha lagu caweeyo, oo ay daawadaan muuqaalo xun. Waxaa laga yaabaa in ay ogaadaan in waxyaalahaas lagu qoray kitaabka, laakiin waxaa xayiray dhagarta Shaydaanka. Dan kama laha.

Dadka qaar ayaa qaba cabsi xad dhaaf ah. Kuma dhiiradaan xitaa in ay hal salaad dhaafto. Waxay aad uga fikiraan cadaabka qabriga ama kan naarta, markaas ayay waxay hilmaamaan jacaylka iyo naxariista Eebbe. 

Laakin isla sidii aan uga helay qareen maxkamadda sharciga, Ilaahay waxaa uu innoogu deeqay qareen innaga caawin doona in aan xukunka marno. Ma aha in aad keligaa noqoto!

Waa ayo Qareenkayaga?

Fikradda qareenka maaha mid cusub. Sannad kasta, kumannaan xujey ah ayaa booqda macbadyo ku yaalla Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe, iyo Aasiya. Dad badan ayaa ku tukada qabuuraha madaxdii dhimatay, iyagoo aaminsan in ay u doodi doonaan. 

Way wanaagsan tahay in la ixtiraamo madaxdaas waawayn, laakiin in la baryo ama la waydiisto shafeeco (ergo) waa xaaraan. Way dhinteen waxna idiinma tari karaan. Xataa nabiyadii waxay ku sugan yihiin qabuurahooda iyagoo sugaya maalinta qayaame.

In kasta oo ay xaaraan tahay in meydka la weydiisto in ay noo shafeeco qaadaan, haddana fikradda shafeecada lafteedu waa sax. Laakiin yaa shafeecadiisa (ergaynta) Ilaah aqbali doonaa? Waa in uu ahaadaa mid jira 

  1. Mid Nool (maxaa yeelay, kuwii dhintay nooma hadli karaan). 

  2. Mid aan dembi lahayn (maxaa yeelay, mid sharcigu xukumay cid kale uma doodi karo).

Yaa buuxin kara shuruucyadan? Ma jiro mid kale oo aan ka ahayn gacaliye Ciise Masiix, kan jannada ku nool oo daahirka ah. 

Ka fikir—ma jiraa qof kale oo sheegan kara in uu yahay midaan dembi lahayn? Aadam wuxuu cunay midhaha xaaraanta ah; Nuuxna khamri buu ku sakhraamay; Ibraahim been buu sheegay; Muuse nin buu dilay; Daa’’uudna waxaa uu xaday nin kale naagtiisii. Ma heli doontid hal nabi oo aan waligii khalad samayn ama aan waligii dambi dhaaf waydiisan.

Laakiin Ciise Masiix weligii ma samayn wax dembi ah. Isaga qudhiisa ayaa ku gar naqsaday, “Kii i soo diray ayaa ila jiraa, waayo weligay waxaan sameeyaa waxa isaga ka farxiya” (Injiil, Yooxanaa 8:29). 

In loo aqoonsado Xukunka si Nabad ah

Ciise Masiix wuxuu ku nool yahay jannada isagoo aan dembi lahayn. Wuxuu diyaar u yahay in uu u doodo aniga iyo adigaba. Wuuna soo noqonayaa goor dhow.

Haddii uu soo laabanayo mar labaad, tani waxay la mid tahay Ciise Masiix waa nebigii ugu dambeeyay. Haa, oo waa ka sii badan yahay nebi—isagu waa Qareenkeena, Sayidkeena iyo Nabad-galyadeena maalinta xisaabta. Waxaa uu noo sheegay, “Run ahaantii... haddii qof uun ereygayga xajiyo weligiis dhimasho ma arki doono” (Injiil, Yooxanaa 8:51). 

Sayidka Ciise ma dhiman; wuu nool yahay! Bulshadiisana waxaa uu ku dhisayaa dhulka isla wakhti xaadirkan. Mararka qaarkood wuxuu dadka ugu yeedhaa bulshadiisa isagoo riyo ugu muuqda nin dhar cad ah ama mucjisooyin na siinaya markaan Ilaah ku barino magaciisa.

Ma waxaad doonaysaa in aad nabadgalyo hesho maalinta qiyaame? Qiro in aad rumeysantahay Ciise Masiix. Sidee baan ugu kalsoonaan karnaa kuwa dhintay oo aynaan ogayn siday noqon doonaan maalinta qiyaame? Sayidkeena Ciise waa hubaa booska uu ku leeyahay jannada. Sida saaxiibkaygii qareenka maxkamadda, wuu na caawin doonaa.

Waxaa laga yaabaa in aad la yaabto in wax sidaas cajiib u ah run noqon karaan. Ciise Masiix wuxuu yidhi, “Haddii aad wax igu weydiisataan magacayga, waan samayn doonaa” (Injiil, Yooxanaa 14:14). Tijaabi si aad u ogaatid in waxa aan kuu sheegayo ay run yihiin iyo in kale. Haddii Ciise awood u leeyahay in uu la kulmo xaaladaha deg-degga ah ee nolosha hadda, markaa hubaal waa la aamini karaa in uu noo noqdo qareen. Si qalbi daacad ah Ilaah ku bari magaca Ciise qalbi daacad oo arag waxa dhaca. Waxaad ku tukan kartaa:

Rabbiyow, waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado in uu Ciise runtii yahay kan aad u dooratay in uu nooga doodo xukunka. Haddii ay run tahay, fadlan ka jawaab ducadayda (baahidaada halkan geli). Waxaan taas ku waydiisanayaa magaca Ciise Masiix. Aamiin.

Haddii aad jeclaan lahayd inaad wax badan ka ogaato sida loo raaco Ciise Masiix, nagala soo xidhiidh xogta ku taal gadaasha warqadan.

Copyright @ 2023 by Sharing Hope Publications. Shaqada waa la daabici karaa oo loo wadaagi karaa arrimo aan ganacsi ahayn fasax la’aan.
Somali Bible © 1979, 2008 Bulshada Wasaaradaha Caalamiga ah-Kenya. Waxaa lagu isticmaalay oggolaansha. Xuquuqdoo dhan way dhawrsoontahay.

Ku biir warsidahayaga

Noqo kan ugu horreeya ee ogaada marka daabacaadaha cusub la heli karo!

newsletter-cover