
Marti-qaad Socdaal
Soo koobid
Ma u hanqal-taagaysaa meel ka wanaagsan? Meel badbaado, farxad, iyo nasasho? Waxaan u hanqal taageynaa wax aysan adduunyadu bixin karin sababtoo ah mid kasta oo naga mid ah waxaa loo abuuray Jannada. Ciise Masiix mar hore ayuu halkaas aaday. Jidka wuu garanayaa, run ahaantiina, wuxuu isugu yeedhay "jidka!" Buug-yarahaan wuxuu qeexayaa xaqiiqooyin muhiim ah ee Ciise ku saabsan ee naga caawinaya inaan u diyaargarowno waddaninimada Jannada dhexdeeda.
Nooca
Tract
Daabacaha
Sharing Hope Publications
Lagu heli karo
21 Luuqadaha
Bogagga
6
Cabdul-Maalik wuxuu ahaa oday daallan. Ka dib markii uu waayay xaaskiisa iyo caruurtiisa, wuxuu ka soo qaxay Ciraaq si uu uga soo baxsado Daacish. Hadda wuxuu keligiis ku noolyahay Urdun isagoo qaxooti ah.
Laakiin rajo ayaa u iftiimaysay. Waxaa uu lahaa ina-adeer, deggan Canada oo u soo bandhigay in uu ka caawiyo sidii uu shaqo u heli lahaa. Isaga oo aad u faraxsan ayuu dalbaday fiisaha, waxaa uuna billaabay in uu ku taamo nolol ka sahlan tan uu ku jiray. Ugu dambayntii, dhawr sano oo uu sugayay ka dib, waxaa loo ogolaaday galitaanka Canada. Cabdul-Maalik aad buu u farxay!
Laakiin farxaddiisu waxay ahayd mid gaaban. Markii uu yimid Canada, wuxuu ogaaday in nolosha socdaalka ka dib aysan fududayn. Shaqadiisuna waxay ahayd mid uu taaganyahay maalintii oo dhan. Deriskiisuna way qaylo badnaayeen. Gaadiidka dadweynaha ma fududayn in la fahmo—sidoo kale Afka Ingiriisigana ma fududayn!
Abdul-Maalik waligiis waxa uu ku taami jiray in uu meeshuu joogay meel ka wanaagsan aado, laakin markuu yimid, waxaa uu arkay in uu wali qalbigiisa hilow ku jira. Wuxuu bilaabay in uu is weydiiyo bal in hilowga uu dareemayay uu ku dhammaan karo meel ka mid ah adduunka—ama in uu u baahan yahay in uu sugo ilaa Jannada lafteeda!
Socdaalka Jannada
Weligaa ma dareentay sida Cabdul-Maalik? Rabitaankaan meel ka wanaagsan meeshaad joogto wuxuu ku qotomaa qalbiga bini’aadamka, waxaana lagu gaari karaa oo keliya galitaanka Jannada, gurigeenna dhabta ah. Waana rabitaan dhowaan la fulin doono! Calaamadaha Saacadda (Qiyaame) waxay ka dhacayaan horteenna, adduunkuna si dhakhso ah ayuu u dhammaanayaa.
Qarniyo badan, buugaagta diinta ee Yuhuuda, Masiixiyiinta, iyo Muslimiinta dhammaantood waxay saadaaliyeen aduun-gaddoonka—waa marka kama dambaysta ah ee aan “ka hayaameyno” adduunkan una baxayna aakhiro. Saddexda caqiidooyin waxay tilmaamayaan in Masiixu mas’uul ka noqon doona dhamaystirka dhacdooyinkan ugu dambeeya.
Waxaa xiiso leh, sawirka Masiixa ee Masiixiyadda iyo Islaamka waa Ciise Masiix. Isagu wuxuu ahaa Masiixa markii uu ku noolaa Falastiin, laakiin wuxuu ku noolaa Jannada 2,000 oo sano ee ugu dambeysay. Ugu dambayntiina wuu soo laaban doonaa maalinta qiyaame.
Soo noqoshada Ciise Masiix waxaa si caan ah loogu sheegay Kitaabka Qudduuska ah, laakiin Muslimiintu waxay rumaysan yihiin in uu mar kale imaanayo, maadaama ay Qur’aanka ku qoran tahay: “Nabi Ciisana waa calaamadda Saacadda (Qiyaame) ee ha shakiyina, ina raaca kaasaa ah jidka toosane.” (Az-Zukhruf 43:61).
Sida sarkaalka socdaalka uu u bixiyo hagitaan muhiim ah oo ku saabsan sida loo helo fiisaha, Ciise Masiix wuxuu nagu martiqaadayaa in aan fiiro gaar ah u yeelano calaamadiisa si aan u ogaano Jidka Toosan ee Jannada.
Jannada Waa Noocee Ayuu Yidhi Ciise?
Injiilka ayay ku qorantahay in Ciise Masiix yidhi, “Waxaan u baxayaa si aan kuugu diyaariyo meel. Haddaan tago oo aan meel idiin diyaariyo, mar kalaan soo noqon doonaa oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa. si meeshaan joogo, idinkuna aad u joogtaan” (Injiil, Yooxanaa 14:2–3). Ciise Masiix wuxuu sheegay in uu Jannada na geyn karo!
Wuxuu kale oo uu daaha ka qaaday muuqaallo qurxoon oo meeshaas ah. Wuxuu yidhi
Mar dambe ma jiri doonaan dhimasho, murugo, baroor iyo xanuun (Muujintii 21:4).
Waxaan yeelan doonnaa guryo qurux badan (Yooxanaa 14:2).
Rag iyo dumarkaba waxay lahaan doonaan sharaf iyo xuquuq siman (Galatiya 3:28).
Waxaa ka buuxa iftiin, xaqnimo, iyo farxad (Muujintii 21:21–25).
Runtii, tani waa meesha qalbiyadeenu ay u ooman yihiin!
Sababta Ciise Masiix uu mar labaad u imaanayo
Hase yeeshee Eebbe wuxuu soo diray nabiyo badan iyo rusullo xurmo leh. Maxaa Ciise Masiix loogu doortay in uu mar labaad soo noqdo? Su’aashan way fududahay in looga jawaabo isla tilmaanta socdaalka. Maadaamoo helitaanka fiisaha uusan fududayn, dad badan ayaa qabsada qareenada socdaalka, oo yaqaan habka. Haddii aan haysano hage, waan ku kalsoonaan karnaa in uu na caawiyo.
Sidoo kale, Ciise Masiix waa kan kaliya ee soo muuqanaya mar labaad sababtoo ah wuxuu yaqaanaa jidka Jannada halkaas ayuu nagu hoggaamin doonaa. Isaga qudhiisa ayaa sheegtay, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha” (Injiil, Yooxanaa 14:6).
Nebi iyo Rasuul kasta oo Ilaahay soo diray wuu qaldamay, wuxuuna ku qasbanaaday in uu dambi dhaaf weydiisto. Laakiin Ciise Masiix ma qaldamin. 33-dii sannadood ee uu dhulka ku noolaana dembi ma lahayn. Waana sababta keentay in isla markiiba Jannada la geeyo.
Waa in aan wax ka baranaa Ciise Masiix, kan keliya ee aan dembi lahayn, sida loo buuxiyo shuruudaha gelitaanka Jannada. Sidan oo keliya ayaan si buuxda u hubn karnaa in aan galeyno jannada. Nasiib wanaag, waxaynu ka baran karnaa Kitaabkiisa, Kitaabka Quduuska ah.
U Diyaar Garowga soo Noqoshada Ciise Masiix
Miyaysan farxad ahayn in aad hubto in aad u socdaalayso meel ka wanaagsan meeshaad joogtid? Waxaa lagugu martiqaadayaa in aad noqoto muwaadin Boqortooyada Ilaah ee ammaanta badan ee Jannada dhexdeeda ah! Dhawaan Ciise Masiix ayaa u iman doona in uu ina wada geeyo meeshaas quruxda badan.
Ma laga yaabaa in aad daba socoto bani aadam aan iyaguba garanayn waxa ku dhici doona maalinta qiyaame? Ciise Masiix markuu kula jiro, uma baahnid in aad shakiso. Ilaah weydiiso in uu kugu hoggaamiyo Jidka Toosan ee Ciise Masiix. Waxaad ku ducaysan kartaa sidatan:
Rabbiyow, qalbigaygu wuxuu u oomanyahay meel wanaagsan. Fadlan aniga iyo inta aan jacelahay naga samata bixi dhibaatooyinka adduunka. Waxaan aaminsanahay in uu waqtigu gaaban yahay. Fadlan i hag si aan u galo meesha quruxda badan ee aad ii diyaarisay. Aamiin.
Haddii aad jeclaan lahayd inaad hesho nuqul dhab ah oo Injiillada ah, fadlan nagala soo xidhiidh macluumaadka ku yaal dhabarka warqaddan.
Quraanka Kariimka Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga.Copyright @ 2023 by Sharing Hope Publications. Shaqada waa la daabici karaa oo loo wadaagi karaa arrimo aan ganacsi ahayn fasax la’aan.Somali Bible © 1979, 2008 Bulshada Wasaaradaha Caalamiga ah-Kenya. Waxaa lagu isticmaalay oggolaansha. Xuquuqdoo dhan way dhawrsoontahay.
Ku biir warsidahayaga
Noqo kan ugu horreeya ee ogaada marka daabacaadaha cusub la heli karo!

Hel Dhagaystayaashaada
Daabacaadaha la sifeeyay
© 2024 Sharing Hope Publications